Sawirro:-Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Masaajid iyo Dugsi Quraan ku burburay qarixii Howl-wadaag

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta dhagax-dhigay Masaajidkii iyo Dugsi Quraanka Degmada Hawlwadaag ee ku burburay qarixii ka dhacay Xarunta degmada Howl-wadaag.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in goobahan lagu dhisayo barnaamijka Isxilqaan ee uu dhaqan geliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in nabad-diidku ay isku dayayaan inay dib-u-celiyaan Caasimadda, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed u taagan yahay horumarka iyo difaaca dalkooda.

“Carruurtii dhiganaysay dugsi Quraankan oo qaar ka mid asxaabtoodu ay ku naf-waayeen weerarkaas, waxa ay isla maalintii xigtay qaraxa, dhexda u xirteen in ay dib u hagaajiyeen dugsigooda, waana farriin muujinaysay in aan aysan hor-istaagi karin hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed, carruur iyo cirroolaba. Waxaan tusaynaa in innagoo wada jir ah aan dib u dhisno Masjidkii, dugsi Quraankii iyo Xarunta Degmada.”

Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintey weerarkan.Isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in meel looga soo wada jeesto Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor