Sawirro:-Dowladda Somalia iyo Midawga Yurub oo ka wada hadlay A/Deyn Cafinta

Kulan u dhexeeya midawga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo looga hadlay ajandayaal muhiim ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlay kobcinta dhaqaalaha, xaqiijinta guulaha laga gaaray deyn cafinta iyo maal gelinta dib-u-habeynta amniga, si guul looga gaaro qorshaha dib-u-habeynta amniga, ciidamada qarankuna ay awood ugu yeeshaan la wareegidda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirrada Maaliyadda, Dastuurka iyo haweenka ayaa ka qayb galay shirka, dhanka midawga Yurub, wafuudda ka qayb galeysay oo safiirro ay qayb ka ahaayeen ayaa waxaa hoggaaminayay safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo qayb ka ahaa shirarka joogtada ah ee looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay dimuquraadiyadda, federaaleynta, doorashooyinka, xuquuqda Aadanaha iyo dowrka haweenka ee ka qayb galka siyaasadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media