Galmudug oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Gobolka Mudug

Kadib markii saakay dagaal xoogan uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa waxaa ka hadlay dagaalkaas maamulka Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa marka waxaa tacsi loogu diray Eheladii iyo qaraabadii dhammaan dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Mudug, halka ku dhaawacmay Alle looga baryay inuu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Sidoo kale Galmudug ayaa maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ugu baaqday inay si shuruud la’aan ah Colaada ku joojiyan, isla markaana wixii Khilaaf ah ee jira lagu dhameyso wadahadal.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa Odayaasha dhaqanka labada dhinac, Culimada iyo qeybaha kala duwan bulshada ka dalbaday inay ka qeyb qaatan sidii loo joojin lahaa Colaada dhiiga uu ku daatay ee kasoo cosboonaatay Gobolka Mudug.

Si kastaba Puntland ayaa Galmudug ku eedeysay inay hurineyso dagaalkii ka dhacay  deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq, waxaana dagaalkaas ku dhintay in ka badan 15 ruux, halka toboneyno kalena ay ku dhaawacmeen.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media