Sawirro:-Dowladaha Soomaaliya iyo Uk oo iska kaashanaya ka hortagga Askareynta Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa Maanta Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Safaaradda UK Ee somaliya.

Wasiirka iyo mas’uuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen Arrimo ay ka midyihiin kor u qaadida tayadda shaqaalaha Wasaaradda iyo Saraakiisha Ciidanka XDS iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed(Amar dambe) ayaa sheegay inay Mas’uuliyiinta uu ka kulmay ay isku raaceen ka hortagga Askareynta Carruurta.

Xubnaha aan la kulmay waxay  noo balan qaadeen in tababaro siin doonaan dhamaan shaqaalaha Wasaaradda iyo sidii aan ugu wada shaqeyn leheen ka hortagga askareynta Caruurta , ilaalinta xuquuqda aadahana iyo ka hortagga tacdiyada loo geysto haweenka iyo dadka Rayidka ah.

Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee la askareeyo Carruurta,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay dhaowr mar ku cel celisay inay ka hortageyso.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor