Sawirro:-RW Khayre oo warbixino ka dhegeystay guddiyada Dastuurka ee labada Aqal

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, ayaa ra’iisul wasaaare Xasan Cali Khayre uga warbixiyay halka ay marayso hawosha dib-u-eegista dastuurka.

Wasiirka arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in shanta cusutub ee ugu horraysa dastuurka lagu sameeyay dib-u-eegis afarta cutub ee ku xigtana dib-u-eegistooda lasoo gebagebaynayo bishaan gudaheeda taas oo ka dhigan in 75% dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, uuna rajaynayo in horraanta sannadka 2019 la gebagebaynayo guud ahaan dib u eegista farsamo ee dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka, u sheegay in hawla badan oo qaranka muhiim u ah ay ku xiranyihiin qabya-tirka dastuurka, sidaa darteed baahi wayn loo qabo in guddiyadu ay laba jibbaaraan dadar-gelinnta gudashada waajibaadka saaran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media