17 qof oo ay ku jiraan Duuliyaha iyo 4 Shaqaalaha Diyaaradaasi ayaa dhaawacmay, kadib, markii ay Diyaarad Rakaab oo laga lahaa dalka Bangaladesh ay ka sibxatay Dhabaha ay Diyaaradaha caga-dhigtaan ee magaaladda Yangoon ee dalka Mayanmaar.
Waaxda Duullimaadka Rayidka ee dalkaasi ayaa sheegtay inay Diyaaradda ka baxday dhabaha Garoonka, kadibna ay labo cad u kala jabtay.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Bombadier Dash 8 waxaa saarnaa 29 qof oo rakaab iyo 4 shaqaale, wuxuuna Duuliyuhu sheegay in sababta ugu weyn ee shilkaasi dhliyey ahayd Cimilada oo aad u xumayd, isla markaana ay dabaylo xooggan dhacayeen.
Wargeyska The Myanmar Times waxa uu soo bandhigay Sawirada Burburka Diyaaradda oo taalla dhul caws ah oo ku dhow dhabaha ay Diyaaraduhu soo caga-dhigtaan.
Diyaaradaasi oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha ee Bangladesh ee Biman waxaa la socday Rakaab ka soo kala jeeda dalalka Bangaladesh, Myaanmaar, Shiinaha, Kanada, Faransiiska, Switzerland iyo Hindiya.