Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dadka deegaanka oo la hadlay Radio Dalsan ayaa u sheegay in Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah kusoo qaadeen deegaanka,isla markaana uu sidaas ku qarxay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoona u qaatay saacado badan.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Ciidanka dowladda ay iska difaaceen weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadeen,waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada,hayeeshee aan si dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay.
Ciidanka Danab ayaa dhawaan dagaalamayaasha Al-shabaab ka saaray deeganka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaasi oo ay in muddo ah ku sugnaayeen,waxaana deegaankaas uu yahay mid Istaraatiiji ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Bariire ayaa sheegaya in xaalada haatan ay tahay mid degan,isla markaana Ciidanka dowladda ay halkaasi ka wadaan Dhaq dhaqaaqyo Ciidan.