Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dib u dhis lagu bilaabay Buundadii ku taallay deegaanka Ceel-Gaal ee dhawaan ku burburtay roobab xoogan oo daadad watay oo ka Da’ay halkaasi.
Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in Maamulka Baladweyne, Ganacsatada iyo dadka Deegaanka Ceel-Gaal ay bilaabeen dhismaha Buundada deegaanka oo gabi ahaanba burburtay.
Inka ka badan konton Gaadiidka Xamuulka ayaa ku xayiran dhinaca Waqooyi ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ay u suuro geli weyday in ay usoo gudbaan Gobolka intiisa kale.
Buundadaan ayaa waxaa ay muhiim u tahay isku socodka Gaadiidka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waana taasi mida keentay in si deg deg ah dhismaheeda uu ku bilowday.
Xiliyada roobabka bilowdaan ayaa waxaa ciriiri noqda wadooyinka Gobolka Hiiraan, waxaana taasi ugu wacan wadooyinka iyo Buundooyinka oo aan in mudo ah helin wax dayac tir ah.
Roobabkii ayaa waxaa ay sidoo kale saamayn ku yeesheen dhinaca kale duulimaadkii Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne oo muddo afar maalmood ah wax duulimaad ah ka jirin, bulshadana ay ka baxaan Degmada Dhuusomareeb iyo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.