Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Degmada Bardaale oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan,kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aasay,isla markaana waxaa lala eegtay Gaari nooca dagaalka oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo marayay bartamaha Degmada Bardaale.
Ugu yaraan laba Askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka laba kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo la socday gaarigii uu qaraxa haleelay.
Dadka deegaanka Degmada Bardaale ayaa soo sheegaya in qaraxa askartii ku dhaawacantay loo qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Baydhabo.
Sidoo kale qaraxa kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas xoogan oo rideen Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada oo xiligaas goobta Agdhawaan,isla markaana Khasaaraha ka dhashay taasi aan weli la ogeyn.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaalada degmada ay haatan tahay mid degan,waxaana halkaasi howlgalo kala duwan ka wada Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaas.