Sawirro:-Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada laba Shirkadood oo ka dhacay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa a sheegayaan in uu Maanta halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo kala taabacsan laba shirkadood oo ka howlgalla Magaaladaas.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay  Shirkadaha Korantada Eneeyo  iyo Golis ,waxaana la sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidamada kala taabacsan labada Shirkadood.

Wararka qaar ay heshay Idaacadda Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in sababta keentay dagaalka ay tahay  in maalmahaan ay labada shirkadood isku heysteen bixinta korontada ee Magalada Boosaaso.

Dagaalka oo mudo kooban socday ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen laba ruux oo Shacab ah,waxaana dagaalka uu ka dhacay halka loo yaqaano isgoyska Gaaca ee magaalada Boosaaso.

Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland,waaxaana wariyeyaal ku sugan Boosaaso ay sheegeen inay Xabsiga dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyadkii dagaalamay halka kuwo kale ay baxsadeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor