Qarax lagu weeraray Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Deeyniile

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada gubta e degmada Deeyniile,waxaana la sheegay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo u la socday mas’uul ka tirsan Maamulka degmadaas.

Goojooge ku sugan Xaafada Gubta ayaa sheegay in Miina nooca dhulka lagu aaso ah ay ku qaraxday halka loo yaqaano Barxada Cali Xasan,isla markaana xilliga qaraxa uu dhacayay ay goobta marayay mas’uul ka tirsan  Maamulka degmada Deeyniile.

Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba ruux oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka Waaxda Barwaaqo ee degmada deeyniile oo lagu Magacaabo Cali Saalax  iyo askari kale.

Dhaawaca jiro guddoomiye ku xigeenka Waaxda Barwaaqo ee degmada deeyniile ayaa la sheegay in uu yahay mid culus,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu dhaawicii uu u geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada ayaa tegay goobta qaraxa Miino uu ka dhacay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay qaraxaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor