Abaarihii saddex habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay ayaa waxa uu dab xooggan ka kacay qeyb ka tirsan Suuqa lagu magacaabo Toy Market ee Xaafadda Kibeera oo 7 KM u jirta Degmadda Gnaacsiga ee Bartamaha Nairobi.
Goobjoogayaal la hadlay Wargeyska The Nation ayaa sheegay inuu dabku bilowday abaarihii 3-dii habeenimo ee xilliga dambe ee xalay ilaa 6-dii subaxnimo ee saakayto oo Talaado ah.
Goobjoogayaasha waxay sheegeen inuu dabkaasi baabi’iyey hanti lagu qiyaasay malaayiin Shillinka Kenya, duikaman iyo dhismooyin la deggan yahay.
Inta badan Ganacsatadda uu khasaaruhu soo gaaray ayaa la sheegay inay yihiin kuwa aan ku noolayn nawaaxiga Suuqa, kuwaasi oo saakayto u yimid goobahooda si ay u xisaabaan khasaaraha soo gaaray.
Ma kala cadda waxa sababay dabkaasi, balse, Ganacsatada iyo dadka Deegaanka tuhunsan yihiin in cillad koronto u uka bilowday dabka khasaaraha dhaliyey.
Suuqa lagu magacaabo Toy Market ee Xaafadda Kibeera ee magaalladad Nairobi ayaa ah Suuq Furan oo ay ku yaallaan ilaa 3,500 oo goobo ganacsi.