Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Is Casilay

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in xilka uu iska casilay Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland Genaraal Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha Warqadiisa is casilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,inkastoo weli aan laga aqbalin.

Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in sababta uu isku casilay Genaraal Cabdishakuur Cabdullaahi Xuseen oo ahaa Taliyihii Ciidanka Daraawiishta Puntland tahay in Madaxwayne Deni ay isku fahmi waayeen sidii Puntland ay uga falcelin lahayd dhaqdhaaqyada Soomaliland ay ka wado deegaano ka tirsan Puntland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Taliyaha uu doonayey in Puntland Jawaab cad ka bixiso dhaq dhaqaadyada Somaliland ay ka wado halkaasi,hayeeshee Madaxtooyadda  arrinkaasi ay ka gaabsatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media