Magalada Kismaayo waxaa haatan ku sugan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ka jira marka laga reebo Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo maanta lagu wado inuu halkaasi gaaro.
Amaanka Magalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey,waxana maamulka Jubbaland uu diyaariyey Ciidamo gaar ah oo xaqiijiya Amniga Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Saraakiisha Ciidamada Jubbland ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen inay diyaariyeen Ciidamo sigaar ah u tababaran kuwaas oo sugi doona amniga madaxda ka qeyb galeysa Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada.
Wadoyinka Waaweyn ee Magalada Kismaayo iyo kuwa gala Guriga Martida oo uu shirka maanta ka furmayo ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamada Jubbaland oo Amniga xaqiijinaya.