Dhageyso:-Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada oo Maanta ka furmaayo Kismaayo

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose uu ka furmo shir ay yeelanayaan golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka ka jira,waxana shirkaasi martigelinaya Maamulka Jubbaland.

Shalay ayaa waxaa Magalada Kismaayo gaaray madaxda Dowlad Goboleedyada marka laga reebo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu wado inuu Maanta gaaro Magalada Kismaayo.

Shirka oo ah kii Saddexaad oo ay yeeshaan golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa waxa ay uga hadli doonaan Arrimo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee dalka,khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo dowlad Goboleedyada qaar iyo qodobo kale.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah,isla markaana ay uga hadli doonaan danaha dowlad Goboleedyada iyo mida guud ee dalka.

Warar kale oo soo baxaya oo ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in inta uu shirka socdo ay dooran doonaan Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo uu hadda haayo Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor