Maalma kahor baarlaamanka dalka Itoobiya oo yeeshay kulan deg deg ah ayaa waxa ay liiska waxa loogu yeero argagaxisada uga saareen Jabhada ONLF oo dagaal kula jirta dowladda Itoobiya.
Go’aanka baarlamaanka Itoobiya ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid qeyb ka ah isbedelada Cusub ee uu la yimid Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed,iyada oo maxaabiis badan oo ka tirsan ONLF Xabsiyada dalkaasi laga siidaayey.
Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF Cabduqaadir Hirmooge(Cadaani) ayaa sheegay in go’aanka baarlaamanka dalka Itoobiya ay ururkooda liiska argagaxisada uga saareen ay soo dhaweynayaan.
Waxa uu sheegay in Ururka ONLF uu yahay mid gobanimo u dirir ah,isla markaana go’aankii hore liiska argagaxisada loogu daray uu lahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zanawi.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Jabhada hubeysan ee ONLF Cabduqaadir Hirmooge(Cadaani).