Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay Alshabaab kala wareegeen deegaano cusub oo ay kaga sugnaayeen gobolkaas.
Howlgal qorshaysan oo ciidamadu ay ka sameeyeen deeganada kala ah Kaamjaroon iyo Buulaxaaji,ayaa la sheegay gebi ahaanba in ay iskaga baxeen Shabaab ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ay gudaha u galeen.
Deegaanadaan ayaa la sheegay in aysan ka dhicin dagaal xoogan oo u dhaxeeya dhinacyada si nabdoona ay kula wareegeen ciidamda Danab, Saraakiil katirsan taliska qeybta 43-aad iyo ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab oo howlgalka ka qeyb-qaadanayay ayaa sheegeen in Ciidamadu ay weli deegaannadaas ku sugan yihiin,iyaga oo aan la kulmin iska cabin xoogan.
Dhinaca kalana saraakiisha ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in uu sii socon doono howlgalkaan tan iyo inta ay Alshabaab ka saarayaan guud ahaan deegaanada maamulka Jubbaland gaar ahaan howlgalka loo qorsheeyay in lagula wareego Jubada dhexe.