Roobabkii xalay xili dambe ka bilaawday Muqdisho, soona gaaray ilaa galinkii dambe ee maanta ayaa biya badan dhigay inta badan xaafadaha Muqdisho,daadadka ka dhashay roobabkaasi ayaana kala xiray wadooyinka Muhiimka ah ee Magaalada, kuwaa oo sababay dhimasho iyo burbur hantiyadeed.
Ilaa 6-qof ayaa la xaqjiiyay in ay ku geeriyoodeeyn daadadkii ka dhashay roobabkaasi,inka badan 300-oo Guri ayuuna baabi’iyay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Amniga Gudaha,Taliyaasha Ciidamada Xoogga, Boliska iyo Asluubta ayaa maanta shaaciyay in Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Kheyre ay kala hadleyn arimaha gurmadka dadka dhibaatada wajaha.
Halkan ka dhageyso Codadka Gudoomiye Yariisow, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Asluubta: