Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Wadajir kaas oo ka socday Hotelka Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho.
Siminaarkaan ayaa shalay soo bilaawday,waxana uu ahaa mid dhalinyarada ka tirsan Xibsiga Wadajir lagu barayay hoggaaminta iyo wacyiga Siyaasada ee markaasi lagu jiro.
Maanta oo Isniin ah ayaa la filayay in lasoo geba gabeeyo Siminaarka,hayeeshee Ciidamo boolis ah ayaa tegay Hotelka sida Radio Dalsan Wararka ku helayo,kuwaas oo Maamulka Hotelka ku amray in la joojiyo Siminaarka.
Hoggamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku shaaciyay in Siminaarka sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir lagu joojiyay Amar kasoo baxay Madaxweyne Farmaajo.
“Waxaa amar ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Farmaajo lagu xiray Hotel Makka Al-mukarama oo maalmahan uu ka socday tababar sare loogu qaadayo aqoonta iyo wacyiga siyaasadeed ee Kaadirka Xisbiga Wadajir.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Booliska Soomaaliyeed ee loogu tala galay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, sharcigana dhowraan ay cabburin, cagajuglayn iyo cadaadis dano shakhsi ah loo adeegsaday waa sida uu hadalka u dhigay.
Madaxda Dowladda Soomaaliya weli wax jawaab ah kama bixin tallaabadaan lagu joojiyay Siminaarka u socday Xisbiga Wadajir iyo eedeynta ka timid hogaamiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.