Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Wadajir kaas oo ka socday Hotelka Maka Almukarama ee Magalada Muqdisho.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay tallaabada Ciidamada Dowladda ku joojiyeen Siminaarka u socday Xisbiga.
Shir Jaraa’id oo uu qabtay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga Wadajir uu yahay mid diiwaangashay oo ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira,isla markanaa si awood ah Siminaarka looga joojiayay.
Waxa uu Guddiga doorasooyinka ka dalbaday in arrintaan ay soo farageliyaan,waxaana uu ku eedeeyay in falkaan maanta Xisbiga lagu sameeyay uu soo amray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.