Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qarax Miino oo lagu Aasay Xaafad ka tirsan degmada hodan ee Gobolkan Banaadir.
War qoraal ah oo ka soo baxy Hay’adda NISA laguna daabacay Barta twitter-ka Hay’adda ayaa lagu sheegay in qaraxaasi miino la geliyay ka soo horjeedka Masjid ku yaalla Xaafada Kpp ee degmada Hodan Gobolkan Banaadir.
Ciidanka Booliska iyo NISA, oo wada shaqayn kahelay bulshada ayaa markii labaad asbuucaan gudihiisa bixiyey Miino iyo walxa kale oo qarxa, oo ay dhagarqabayaal ku duugeen kasoo horjeedka misaajid kuyaala Xaafadda KPP ee degmada Hodan.
NISA mashaacin dad loo qabtay miinadaas,hayeeshee waa markii labaad ee todobaadkaan ay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fashiliyaan qarax,waxaana maalma kahor ciidamadu ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay Xaafad ka tirsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.
Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa bilihii la soo dhaafay waxa ay soo bandhigeysay howlgallo ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir oo ay sheegeen inay kusoo qabteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.