Maxkamada Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dacwadda loo heysto Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ku soo eedeeyay inuu si ula kac ah u gubay xaaskiisa Marxuumad Luul Cabdicasiis.
Maxkamada ayaa ugu horreyn dhageysatay Difaaca qareennada Eedeysanaha iyaga oo Maxkamada ka hor sameeyay dood-afeed ay isaga difaacayeen eedda uu soo jeediyay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud, sidoo kalena waxa ay soo bandhigeen Muuqaal ay ku sheegeen inuu taageerayo Difaacooda.
Intaa kaddib, Maxkamada ayaa waxay si iskeeda ah ugu yeertay Dhaqaatiirtii la tacaashay Marxuumadda inta ay ku jirtay Isbitaalka Cilmi-baarista iyo Tababarrada Caafimaadka Rajab Dayib Ordugan (Ex. Digfeer), iyaga oo sheegay macluumaadkii ay ogaadeen intii ay dabeebayeen Marxuumada.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Md Said Ali Mohamed oo guddoominayay fadhiga ayaa soo gabageeysay Dacwadda, isaga oo sheegay inay Maxkamadda dib ka soo saari doonto xukunkeeda Kiiskan.