Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyo iyo rasaas laga maqlay Magaladaas.
Wariyeyaal ku sugan Magalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegeen in qaraxyada lagu weeraray Xarun uu Koonfurta Magalada Gaalkacyo ku leeyahay Wadaad lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Gudaha u galeen Xarunta,isla markaana rasaas laga maqlayo Gudaha Xarunta.
Xarunta ayaa waxaa ku sugan Dhalinyaro farabadan iyo Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Cabdiweli Sheekh Cali Cilmi Yare.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com