Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa xalay gaaray Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa markii uu gaaray C/raxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dad isugu jiray dhalinyaro,Haween iyo taageerayaal badan oo ku sugan halkaas.
Sidoo kale Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi shakuur ayaa maalmihii la soo dhaafay socdaal ku marayay deegaano ka tirsan Galmudug,isagoo Shir uga qeyb galay Magaalada Cadaado.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Socdaalka uu ku tegay Dhuusamareeb waxaa noqonayaa markii labaad,waxaana ugu dambeysay sanadkii 2016-kii.
Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madax badan dowladda Soomaaliya iyo inta badan Ergada ka qeyb galeysa Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo lagu wado inuu ka furmayo halkaas.