Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Jatuuti ayaa Maanta waxaa kulan la yeelanayaa dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Kulanka u dhexeeya labada Madaxweyne ayaa ah mid wada hadallo ah,kaasi oo looga hadli doono xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.
Sidoo kale inta uu ku sugan Madaxweyne Farmaajo dalka Jabuuti ayaa kulan la qaadan doonaa Madax ka tirsan dowladda Jabuuti iyo xubno kale.
Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).