Dad ka careysan dil shalay Ciidamo ka torsan kuwa Burundi ee howlgalka AMISOM u geysteen dad Shacab ah ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Magalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ayaa shalay 4 Ruux oo darawaliin ahaa wax ay ku dileen Ex-koontorool Balcad ee Magalada Muqdisho kadib markii qarax Miino lagule eegtay halkaas.
Boqolaal Shacab ah ayaa isugu soo baxay Isgoyska Tarabuunka ee Magalada Muqdisho,iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya,isla markana aay ka xun yihiin dilkaas.
Gaadiid ay wataan Ciidamada AMISOM oo Wadada tabarbuunka ku socdaalayay ay ishor-istaageen banaanbaxayasha wallow Ciidamada AMISOM ay rasaas ku furteen wadadaas sidaasina ay ku marten.
Ehelada dadkii shalay AMISOM ay dileen ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkasi aan la aasi doonin ilaa AMISOM jawaab ka bixiso.