Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa la kulmay taliyaha Ciidanka AMISOM ee jooga Soomaaliya,isaga oo kala hadlay dhacdadii AMISOM shalay ku dileen 4 ruux oo Shacab ah.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in taliyaha AMISOM Sareeyo Guuto Jim Beesigye Oweyesigire uu ka dalbaday in baaris deg deg ah lagu sameeyo dilka dadka rayidka ah ay u geysteen Ciidamada AMISOM.
Taliyaha AMISOM ayaan kala hadlay dhacdadii shalay ciidamo AMISOM ay ku dileen dad rayid ah degmada Heliwaa, una sheegay inaan la aqbali karin shacab in wax loo geysto. Waxaana ka dalbaday inuu baaris dhab ah ka sameeyo, waxuuna ii ballanqaaday in AMISOM ay qoysaskii dhibaatadu soo gaartay ay la kulmayaan, tallaabo adagna laga qaadi doono cidii falkaas ku kacday.
Qaar ka mid ah ehelada dadkii shalay ay dileen Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in hadii AMISOM jawaab ka bixin weyso dilkaas dadka rayidka ah ay la dagaalami doonaan,isla markaana meydadka aan la aasi doonin.
Afar Ruux oo dhamaantood ahaa darawaliin ayay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi dileen kaidb markii qarax Miino shalay lagula eegtay Isgouska Ex-koontorool Balcad ee Magalada Muqdisho.