Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay dhigeen boqolaal shacab ah oo kunool Magaaladaas.
Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray Caruur, Haween, dhalinyaro iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Magaalada, iyagoona kasoo horjeeday falkii kufsiga ahaa dhawaan halkaas loogu geystay wiilal yar-yar.
Banaanbaxayaasha ayaa soo dhaweeyay dilkii toogashada ahaa ee shalay lagu fuliyay laba Nin oo kufsi u geystay laba wiil oo yar-yar kana mid ah dadka deegaanka Magaalada Baydhabo, iyadoo la tilmaamay in mid kamid ah wiilasha uu dhintay.
Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay uga soo horjeedan falalka kufsiga ah, waxaana dadkaas ay Maamulka Koonfur Galbeed ka dalbadeen in sharciga la horgeeyo cid kasta oo lagu qabto fal kufsi ah.
Si kastaba Laamaha amniga Koonfur Galbeed ayaa shalay goob fagaare ah ku toogtay laba Nin oo geystay fal kufsi ah, waxaana Maamulka uu sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in deegaanka uu ka dhaco falal noocaas oo kale ah.