Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa faah faah ka bixiyay Qarax Khasaaro geystay oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay afaafka hore ee Garoonka kubada caggta ee Laqanyo ee ku yaalla Magaalada Baladweyne.
Taliyaha Booliska Gobolka Korneyl Isaaq Cali Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas oo miino nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska, xili gaariga uu taagnaa Albaabka Garoonka Laqanyo oo ka socotay Ciyaar kubadda caggta ah.
Waxaa uu sheegay Taliye Isaaq Cali in qaraxaas ay ku dhinteen saddex Askari oo Boolis ah, halka 3 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Guud ee Baladweyne, wuxuuna u rajeeyay Caafimaad.
Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadd Gobolka Hiiraan Abuukar C/llaahi Maadeey ayaa sheegay in qaraxa kadib Ciidanka Booliska ay Magaalada Baladweyne sameeyeen howlgalo kala duwan oo lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay qaraxaas.
Ugu dambeyn Cabdullaahi Muudey ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka inta uu socday lagu soo qabtay dad dhowr ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen qaraxii dhacay, isagoo xusay in haatan lagu wado baaritaano.