Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaarinayo xoraynta Gobolka Jubbada Dhexe iyo isku furista Degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose kuwaas oo waayadii u danbeeyay tababar iyo isku habayn lagu waday.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Taliyayaasha Ciidamada ugu Sareeya iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta Jubbaland waxaa uu kormeeray Ciidamadan oo ay kamid yihiin qaybo loogu tala galay Xasilinta iyo sugida Amniga Magaalada Kismaayo inta ay howlgaladu socdaan isagoo ku booriyay in ay u diyaar garoobaan howlgalo qorshaysan iyo abaabulka Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wadooyinka Waaweeyn ee Magalada Kismaayo ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa lagu soo bandhigay,isla markaana dhoolatus ka sameeyey Ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri,kuwaas oo qaarkood watay Gaadiidka gaashaaman.
Ciidamadan waxaa ay xorayn doonan Degmooyinka Jamaame Jilib iyo Badhaadhe oo ka kala tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe kuwaas oo Al-Shabaab laga saari doono maalmaha soo socda sida uu Madaxweynahu sheegay iyadoo sidoo kale Ciidamadan qayb kamid ah oo katirsan Ciidamada Booliska ay sugi doonan Amniga Caasimada KMG ah inta howlgaladu ay socdaan.
Madaxweynaha Jubbaland xusay in mudo dheer ay sugayeen in la bilaabo howlgalka xoraynta Jubbada Dhexe balse ay in badan ka cago jiidayeen Ciidamada AMISOM taas oo la mid ah howlgalkii lagu xoreeyay Magaalada Kismaayo iyo Degmooyinka kale ee Jubbaland oo markii ay dhaqaaqi waayeen Ciidamada AMISOM ay howlgalka bilaabeen Ciidamada Soomaalida oo kaliya sida uu hadalka u dhigay.