Taliyihii hore ee Qaybta 21aad Gen. Cabullaahi Aadan Xuseen “Cirro” ayaa maanta si rasmi ah xilka Taliyaha qaybta ugu wareejiyay Taliyaha dhowaan lasoo magacaabey S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir “Kaanti” waxuuna Ciidamada kula dardaarmey in ay la shaqeeyaan Taliska cusub.
S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdilqaadir “Kaanti” ayaa uga mahad celiyay dhankiisa taliskii isaga ka horeeyay shaqadii uu qabtey, isagoo ciidamada kula dardaarmey in aysan Ku milmin Colaadaha Beelaha iyo Waxyaabaha la midka ah ee habsanka galinaya shaqadooda.
Ugu dambeyn Abaanduulihii Hore ee Qaybta 21aad G/Sare Cabdikariin Garabeey ayaa Xilka ku wareejiyay Abaanduulaha Cusub
G/sare Xusseen Xoosh.
Munaasabada ayaa lagu qabtey Xarunta Taliska Ururka 43aad Guutada 13aad ee Qaybta 21aad oo ku taala duleedka Magaalada Cadaado.