Xalay Magaalada muqdisho degmooyinkeeda kala duwan waxaa ka Da’ay roobkii guga kaas oo si aad ah looga dareemay gudaha Magaalada Caasimadda ah ee muqdisho.
Roobka ayaa bilaawday shalay gelinkii dambe,waxa u s gaaray ilaa xalay Saqdhii dhexe,iyadoona uu jiro khasaarooyin kala duwan oo uu gaarsiiyay dadka barakacayasha ah ee ku nool qeybo kamid ah Magaalada muqdisho.
Qaar kamid ah degmooyinka Gobolkaan Banaadir oo aan kormeer ku tagnay ayaa waxaa Wadooyinkeeda Biyo dhigay roobkii xalay halka Wadooyinka qaar uu jaray Roobka.
Gawaarida dadweynaha qarkood ayaa la arkayay iyagoo aan gaareynin goobihii horay looga raaci jiray kaas oo dadka qaarkood ay cagtooda maalayaan.
Sawirqaade Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jakaarta)