Dhakhaatiirta Isbitaalka “The Dhaka Medical College Hospital (DMCH)†oo ku yaalla Caasimadda dalka Bangaladesh ee Dhaka ayaa sheegay inay Kharaj la’aan qaliin ugu samayn doonaan Nin la dhibaataysan Burooyin u muuqaal eg Xididada Geedaha.
Ninkaasi oo lagu magacaabo Abul Bajandar lagu naanayso Ninka Geedka “Tree Man” ayaa la filayaa in dhawaan qaliin looga jaro Burooyinkaasi oo marka la jaro culayskooda lagu qiyaasayo ugu yaraan 5 Kiilo.
Ninkan oo ah Aabe 26-jir ah kuna nool Degmadda Khulna ee Koonfurta dalka Bangaladesh ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in qaliin looga jaro Burooyinka, kuwaasi oo uu markii ugu horreysay uu isku arkay muddo haatan laga joogo 10-sanno.
Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka ee AFP waxa uu sheegay inuu gabay inuu shaqeysto, isagoo horey u ahaa Dareewal kaxeeya Baaskiilka nooca  Saddex Lug leh.
“Laakiin waxaan si tartiib-tartiib ah u lumiyey awoodii aan ku shaqeysanay. Haatan waxaa labadayda gacan ku yaalla 2 ilaa 3 Hiish (Inch) ee Burooyinka u eg Xididada Geedaha. Qaar yaryar ayaa waxay ku yaallaan Lugahayga†ayuu yiri Abul Bajandar oo ah Aabe hal cung leh.
Koox Dhakhaatiir ka tirsan Isbitaalka DMCH oo ah Isbitaalka ugu weyn ee ay Dowladda Bangaladesh leedahay ayaa go’aansaday inay Ninkaasi ku sameeyaan Qaliin Lacag La’aan ah.
Tijaabooyinka Dheecaanka iyo Dhiigga ayaana laga qaaday, si loo hubiyo haddii Burooyinkaasi qaliin looga jari karo, iyadoo aan dhibaato la gaarsiinin Neerfayaasha Waa weyn ama wax sababi kara Dhibaatooyin Caafimaad.
Burooyinka xididka geedka oo kale ayaa la sheegay inay 4 sanno ka hor bilaabeen inay Jirkiisa ku tarmaan.
Agaasimaha Isbitaalka DMCH, Dr. Samanta Lal Sen waxa uu u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP in inta badan cuddurkaasi loo yaqaano Cuddurka Ninka Geedka “as tree-man diseaseâ€.
“Inta aan og nahay inay jiraan 3 Kiis oo noocaasi ah Calamka, oo uu ku jiro Abul Bajandar. Waa markii ugu horreysay ee aan Kiiskan oo kale ka helno Bangaladesh†ayuu yiri Agaasimaha Isbitaalka DMCH, Dr. Samanta Lal Sen.
Abul Bajandar Walaashiisa ka weyn oo lagu magacaabo AAdhur Bibi ayaa sheegtay inay boqolaal qof ku soo booqdeen gurigooda ku yaalla yaalla Degmadda Khulna in ka badan sannado si ay u arkaan Ninka Geedka “Tree Manâ€.
“Xitaa halkan Isbitaalka, boqolaal qof ayaa mar hore ku soo xoomayâ€ayey tiri iyadoo la hadlaysay Wakaalladda Wararka ee AFP.
Abul Bajandar oo ah Aabe hal cunug leh waxa uu sheegay inuu isku tijaabiyey inuu iska jaro Burooyinka markii ugu horreysay ee ay soo baxeen, balse uu kala kulmay xanuun daran “Extremely Painfulâ€.
Waxa uu tilmaamay inuu isticmaalay Daawo-Dhaqameed, Daawo-dhireed, balse ay uga sii dareen Xaalladiisa.
Waxa kaloo uu Wareysiga uu siiyey AFP ku sheegtay inuu La-tashi ugu tegay Dhakhaatiirta ku sugan dalka Hindiya, balse ay isaga iyo Qoyskiisa awoodi kari waayeen inay iska bixiyaan Kharajka Hawlgalka Qaliinka.
Si kastaba ha ahaatee, Nin Tuullo-joog ah oo u dhashay  dalka Indonesia, ayaa waxay jirkiisa buux dhaafshay Burooyinka loogu magac daray Cuddurka Ninka Geedka ah, balse waxaa lagu sameeyey qaliino xiriir ah sannadkii 2008-kii, oo looga wada xayuubiyey Burooyinka u muuqaalka ek Xididka Geedaha.
Xigasho: AFP
Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska
©Radio Dalsan