Xeradda lagu xannaaneeyo Duur-joogta ee Massai Mara ee dalka Kenya waxaa ku nool Xayawaanaadkii ugu khatarsan Duur-joogta.
Sawir-qaade lagu magacaabo Kimberly Maurer oo 56 jir oo Safar Dalxiis ku marayey Xeradaasi ayaa waxa uu Sawiro La-yaab mudan ka soo qaaday Hardan dhex maray Maroodi iyo Lo’ Kisi “Buffaloâ€.
Hardanka Labadaasi Xayawaan ayaa waxa ugu daran qaabka Maroodiga u qaaday Lo’da oo culayskeeda ahaa in ka badan 500 oo Kiilogaram.
Sawir-qaade Kimberly Maurer waxa uu sheegay inuu Sawirkan yahay midka ugu yaabka badan Sawiraddii aan weligay qaaday Nolosheyda.
Sidoo kale, Sawir-qaadaha waxa kale oo uu bilowgii bishii hore Sawirro ka soo qaaday Xeradda lagu hayo Duur-joogta ee Mara Mara ee dalka Koonfurta Afrika.
Waxaa sawirkaasi ka muuqda Lo’ Kisi ama Buffalo u gacan gashay 5 Libaax, kuwaasi oo ugu dambeyntii feentay Hilibkeeda.
 Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji UgaaskaÂ
©Radio Dalsan