Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen Weerarkii saakayto lagu qaaday Hotelka Dayax ee Muqdisho.
Radio Andalus oo ka mid ah Warbaahinadda Alshabaab ayaa sheegay inay Dagaalyahanno (Mujaahidiin) aad u tababaran weerareen Hotelkaasi, isla markaana ay Dagaalyahanadu haatan ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka.
Hadalkaasi ayaa soo baxay, iyadoo ay Alshabaab weerar iyo qaraxyo la eegteen Hotelkaasi oo ka mid ah Hoteelladda ay inta badan deggaan Mas’uuliyiin, Xildhibaano iyo Qurbo-joog.
Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegayo in Labo Oday Dhaqameed (Malaaqyo) oo ka soo jeeda Bay iyo Bakool ka mid yihiin dadka ku geeriyootay Qaraxyadii iyo Weerarkii lala beegsaday Hotelka Dayax.
©Radio Dalsan