Kulaylka xad-dhaafka ee ka jira mahaalladda Quwebek ee dalka ayaa la sheegay inay ugu yaraan 17 qof ugu geeriyootay isbuucii la soo dhaafay, sida ay Saraakiisha Caafimaaadka maanta shaaciyeen.
12 ka mid ah waxay ku geeriyoodeen Gobalka Bariga ee caasimadiisu tahay Monteriyaal.
Wargeyska The Tribune waxa uu qoray in 48-kii saacadodo ee la soo dhaafay ay 5 qof ku geeriyootay magaallooyin ku yaalla bariga dalkaasi.
Dhibanayaasha geeriyooday waxay kala ahaayeen dadka waayeelladda, kuwa muddada dheer xanuunsanaa iyo kuwa Maskaxda ka xanuunsan.
Heer-kulka dalkaasi ayaa la sheegay inuu gaaray 34 digirii oo Sentigareed oo u dhiganta 94 digirii oo Faranhayt ah.
Sannadkii 2010-kii, ku-dhawaad 100 qof ayaa Kulayl daran ugu geeriyootay nawaaxiga magaalladda Monteriyaal ee dalka Kanada.