(SAWIRO): Tiradda ilmaha ku dhashay dalka Japan sannadkan oo ka hooseysa hal million oo carruur ah.

Waana hoos-u-dhicii ugu horreeyey tan iyo markii la bilaabay in Xogta Dhalashadda crruurta dalkaasi la diiwaan-geliyo muddo haatan lag joogo 117-sannadood.

Wargeyska ka faallooda Arrimha Dhaqaalaha ee The Nikkei Business iyo Wakaalladda Wararka ee KYODA News Agency ayaa sheegay in la rajeynayo tirada carruurta sannadkan ku dhalatay dalkaasi u dhexeyn doonto 980-kun ilaqa 990-kun oo qof.

Sannadkii hore, Japan waxaa ku dhalatay in ka badan hal million oo carruur ah.


Dhinaca kale, sannadkii 1949-kii waxaa dalka Japan ku dhalatay 2 milyan iyo lixdan iyo sagaal boqol kun iyo 96 carruur ah.

Shirkadaha Teknoolajiyadda ee dalkaasi ayaa bilaabay inay soo saaraan Ilmo gacan-ku-samays (Robot Babies), si dadka Japan loogu dhiiri-geliyo inay noqdaan Waalidiin.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor