14 Askari oo Turkish ah oo lagu dilay Waqooyiga dalka Syria.

Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay in Askartaasi lagu dilay Iska-horimaad ay Kooxda Daacish kula galeen Degaanka Al-baab, iyadoo 33 kalena lagu dhaawacay.

Waxaa kaloo dagaalkaasi lagu dilay 138 Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish.

Iska horimaadka ayaa la soo weriyey inuu weli socdo.

Milliteriga Turkiga waxay 4 bilood ka hor bilaabeen Hawlgal loogu magac daray “Duullaanka Webiga Furaat”, kaasi oo la doonayo in Kooxda Daacish looga saaro Deegaano ku yaalla Waqooyiga dalka Syria.

Ku-dhawaad 30-Askari oo Turkish ah ayaa lagu dilay tan iyo markii ay Milliteriga Turkiga gudaha u galeen Waqooyiga Turkiga bishii August ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor