(SAWIRO): NISA oo kala furfurtay gaari miineysan oo la hor dhigay Baar aad looga cunteeyo.

Duhurnimaddii maanta, Ciiddanka NISA waxay ku guuleysteen inay kala furfuran gaari lagasoo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo la hordhigay Baarka Blue Sky oo ku yaalla inta u dhexeysa Taallooyinka Xaawa Taaka iyo Daljirka Dahsoon ee magaalladda Muqdisho.

Gaarigaasi ayaa la sheegay inuu ahaaa nooca Spacio, waxayna Ciiddanka NISA ee Miino-baarista ku guuleysteen inay kala furfuran miino lagu soo rakibay Qeybta Qaboojiyaha ee Gaariga.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo Suuxfiyiinta kula hadlay halka uu yaalla gaari la doonayey in lagu fuliyo qaraxa ayaa ku eedeeyey Kooxda Alshabaab inay ka dambeeyeen falkaasi, isla markaana ugu talagaleen inay ku laayaan dad badan oo rayid ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alla mahadiisa tahay inay Ciiddanka NISA ku guuleysteen inay miinadda ka furan gaarigaasi.

Ma jirto dad loo qabtay falkaasi, waxayna Goobjoogayaal sheegeen in gaariga halkaasi looga tegay.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay Ciiddanka NISA kala dhilqiyaan Miinooyin lagu soo rakibay gaadiidka yaryar.

Toddobaadkii hore ayey ahayd, markii ay Ciiddanka NISA kala furfureen miinooyin lagu soo xiray labo gaari oo mid ka mid ah la dhigay Xaafadda Taleex ee Degmadda Hodan ee magaalladda Muqdisho.

GAARI 5 gaari000 gaari00111 gaari222 gaari1 GAARI7 GAARI2 gaari000GAARI7 gaari1

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor