Diyaarada dagaal iyo askar ajaanib ah oo weeraray Fariisimo ay leeyihiin Al Shabab

Ugu yaraan seddex diyaaradaha dagaalka oo ay wehliyan Ciidamo dhinaca dhulka oo ajaanib ahaa ayaa Xalay weeraray fariisimo ay Al Shabab ku leeyihiin deegaanka Beerxani oo qayaastii 60 KM dhinaca galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Weerarka lagu dilay 2 dagaalame oo Al Shabab ka tirsan qaar kalena nolosha lagu qabtay sida ay baahisay Idaacada VOA.

Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ugu yaraan uu ku lug lahaa seddex weeerar oo ka dhacay gobolo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor