Munaasabadda 5-guuraddii Dib-u-hawlgelinta Telefishinka Qaraanka (SNTV) oo lagu qabtay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Xildhibaano, Marti sharaf iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay Xaflad loogu dabaaldegayey Munaasabadda 5-guuraddii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyey Telefishinka Qaranka (SNTV).

Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyey Munaasabadaasi oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Warfaafinta, waxa uu u hambalyeeyey Madaxda iyo Shaqaalaha Guud ee Wasaaradda, gaar ahaan Madaxda iyo Shaqaalaha Telefishinka Qaranka, wuxuuna ku bogaadiyey hawsha ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha waxa kale oo uu ka hadlay Hawsha Suxufiyiinta iyo Waayaha adag oo ay ku shaqeeyaan, wuxuuna tilmaamay inay Xaalladda Suxufiyiinta haatan wanaagsan tahay marka loo eego xaalladii ay ku jireen sannooyinkii hore.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan jirin cid baqdin gelin karta Suxufiyiinta.

Madaxweynaha waxa uu qiray inay Warbaahinta Qaranka tadawar iclaami sameysay, isla markaana Telefishinka Qaranka laga daawan karo Caalamka, iyadoo Muwaadin kasta oo Soomaali ah kala socon karo Xaalladda dhabta ee dalkeenna ka soo kabanayo colaadaha sokeeye.

Madaxaweynaha ka hor waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo ka warbixiyey Hawlaha Telefishinka Qaranka u hayo Ummadda Soomaaliyeed iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Telefishinka Qaranka oo la asaasay muddo haatan laga joogo 33-sannadood.

Wasiirka waxa kaloo uu sheegay in lagu hawlan yahay Tayeynta qeybaha Wasaaradda Warfaafinta, isla markaana la hawlgeliyey Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa uu Shahaadooyin Abaalmarin ah guddoonsiiyey Madaxda iyo Shaqaalaha Telefishinka Qaranka, kuwaasi oo Abaalmarinta ku muteystay Hawsha adag oo ay ka hayaan Telefishinka SNTV iyo sida daacadda leh ee ay ugu adeegayaan Ummadda Soomaaliyeed.

DAAWO SAWIRADA:

MyStream_0.mov.Still013

MyStream_0.mov.Still014

MyStream_0.mov.Still016

MyStream_0.mov.Still017

MyStream_0.mov.Still022MyStream_0.mov.Still020

MyStream_0.mov.Still001

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor