(SAWIRO): Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh oo Kulan Khaas ku yeeshay Villa Somalia.

Madaxweynaha La-doortay ee DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud waxay maanta Kulan Khaas ah ku yeesheen Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Kulankooda oo ahaa mid  albaabadda u xirnaa, lamana oga waxyaabaha ay sida khaaska uga wada hadleen.

Madaxda waxay kaloo soo kormeereen Dhismayaasha Villa Somalia, iyagoo warbixino ka dhegeystay Hawlwadeenadda ku sugnaa Xarumaha ay booqdeen.

Kulankooda ayaa ku soo dhamaaday Jawi Wanaagsan, sida lagu sheegay Hadal ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media