Ciiddamo Maraykan  oo Askarta Kenya kala qeyb galayo Dagaalka Xarakadda Alshabaab.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in Ciiddamo Maraykan oo tiradooda lagu qiyaasay 200 ilaa 300 Askari ku biireen Ciiddanka Kenya ee Hawlgalka ka wada Dhulka Kaymaha ee Boni Forest ee magaalladda Lamu.

Ciiddanka Maraykanka oo ka tirsan kuwa Hawlgalladda Khaaska (American Special Operations troops) ayaa la sheegay inay kaalin muhiim ah kaga jiraan Dagaalka lagu jiro Dagaalamayaasha Jaysh Ayman ee Xarakadda Alshabaab.

Sarkaal ka tirsan Ciiddanka Kenya ayaa u sheegay Wargeyska The Star in Ciiddanka Maraykanka inay ka hawl-galayaan Saldhig ay Maraykanka ka dhisteen Gacan-biyoodka Manda Bay ee Degmadda xeebta leh ee Laamu, halkaasi oo ay ka hagayaan Hawlgalka wadajirka ee ay Ciiddanka Kenya ku taageerayaan.

Dhinaca kale, Ciiddamo ka kala socda Marayknka iyo Britain ayaa ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo inta badan Hawlgalkooda u adeegsada Diyaaradaha Droneska.

Afhayeenka Ergadda Guddiga Sare ee Britain u joogta Kenya, Stephen Burns  ayaa sheegay inaysan Ciiddankiisa la dagaalami doonin Xarakadda Alshabaab, balse ay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan dhinaca Loojistikadda ee Dagaalka Alshabaab.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media