Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo C/kariim Geelle ayaa waxa uu tan iyo sannadkii hore dacwad la’aan ugu xiran yahay Xarunta Hay’adda Adeegga Xuduudka Kanada ku leedahay magaalladda Edmonton.
Eedeysanaha oo 31 jir ah ayaa la sheegay in la xiray kadib, markii lagu soo oogay 57 Dembi oo ay ku jiraan Kufsi, inuu weeraray Sarkaal Bolis iyo inuu tahriibin jirey Daroogadda nooca Kokaa’iinka.
Maamulayaasha Kanada waxay sheegeen inay khatar tahay haddii la sii daayo Eedeysanaha, mana cadda dalka loo masaafurin doono.
C/kariim Geelle waxay isaga iyo Qoyskiisa Qaxooti ahaan u tageen dalka Kanada sannadkii 1999-kii, wuxuuna in muddo ah ku nolol qaatay Xabsiga.
Dowladda Federalka Somalia ayaa la sheegay inay diidan tahay inay qaabilaan dadka dhibaatada caafimaad ka qaba Dhimirka, sida Eedeysanahan oo kale.
Hooyadda dhashay Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Asiili ayaa sheegtay haddii ay Dowladda Somalia diiday in Wiilkeeda loo soo gacan geeliyo, waxa uu qorshuhu noqon karo.
Iyadoo Saxaafadda kula hadlaysay Aqalka ay ka deggan tahay Waqooyiga magaalladda Edmonton ayaa waxay sheegtay inuu Wiilkeeda noolayn iyo inuusan weli dhimanin.
“Wiilkayga oo dhimirka ka xanuunsan waxa uu ku jiraa Xabsiga, waxaana ka codsanayaa Ra’isul-wasaaraha Kanada inuu ogaado inaan ahay Hooyo dhibaataysan, oo aan Luqadda ku hadli Karin, wiilkeeda uu ku xumaaday Xabsiga. Qof kasta wey og tahay inuu xanuunsan yahay, ma jirto qof isaga wax u qabanayso ayey tiri Hooyo Asli oo ay hadalkeeda turjumaysay Qareenka Qoyskeeda.
Qareen Xabiibo Cabdulle ayaa ka digtay haddii C/kariim Geelle lagu celiyo Somalia inuu geeriyoon doono.
Dhinaca kale, Hay’adda Adeegga Xuduudka dalka Kanada waxay ka gaabsatay inuu ka hadlaan Kiiska C/kariim Geelle oo la filayo in 30 maalmood kadib dib loo eegi doono Xarigiisa.
Xigasho: cbc.ca
©Radio Dalsan