Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay shalay soo xireen Dhakhtar Somali-Kenyan lagu magacaabo Dr. C/bdullahi C/qaadir Caalim, kaasi oo ka hawl geli jirey Isbitaalka magaalladda Malindi.
Ku-simaha Taliyha Boliska Gobalka Kifi, Mattawa Muchangi ayaa sheegay inay Dhakhtarka uga shakisan yihiin inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.
Waxa uu tilmaamay inay Dhakhtarka ka soo qabteen guri ay ku nool yihiin Qoyskiisa, iyadoo la sheegay inay Boliska baadi-goobayeen Dhakhtarka tan iyo bishii Augsut ee sannadkan.
Sarkaalkaasi waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahiyo halka lagu xiray Dhakhtarka iyo xilliga la soo maxkamadayn doono.
Qabashadiisa ayaa ku soo beegantay iyadoo 2 Dhakhtar horey loogu xiray Malinda, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish iyo inay qorsheynayeen weerar ay ka geystaan gudaha Kenya.
©Radio Dalsan
.