Boliska dalkasi waxay sheegeen in Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu xalay isku qarxiyey Dibadbax Doorasho oo ka socday magaalladda Pishwaar ee W/galbeed ee dalkaasi, iyadoo ugu yaraan 14 qof ayaa geeriyootay, halka ugu yaraan 65 kalena ku dhaawacmeen qaraxaasi,
Dibadbaxaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Taageerayaasha Xisbiga Qaranka ee waxaa lagu dilay Siyaasi lagu magacaabi jirey Haaruun Bashiir Biloor, kaasi oo ahaa Murashax u taagan Doorashadda Guud ee bishan July 25-da ka dhici doonta Pakistan.
Siyaasiga la dilay Aabihiisa waxaa isagana lagu dilay Is-qarxin noocan ah oo lala beegsaday isago Murashax Doorasho ahaa sannadkii 2012-kii.