QM iyo Imaaraadka Carabta oo ka wada hadlay Taageeridda Ammaanka Somalia

Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaan waxa uu Kulan Khaas ah la qaatay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating, sida ay baahisay Wakaallada Wararka u faafisa  Imaaraadka ee WAM.

Labada Mas’uul oo ku kulmay Dhismaha Safaraadda Imaaraadka ee Muqdisho waxay ka wada xaajoodeen Xiriirka u dheexeeya Imaaraadka iyo Xafiiska QM ugu qaabilsan Somalia ee UNSOM iyo qaabka ay labada dhinac uga wada shaqeyn karaam Taageerida Ammaanka, Deganaanshaha iyo Horumarinta dalka Somalia.

Danjiraha Dowladda Imaaraadka u jooga Somalia, Maxamed Axmed Al-cuthmaan iyo Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating waxay kaloo Kulankooda ku lafa-gureen Xaalladad somalia iyo dadaalka Imaaraadka iyo QM ka geystaan Taageeridda DFS iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM waxay kaloo sheegtay inuu Michael Keating ku booriyey Dowladda Imaaaraadka  inay sii wadaan Taageeradda ay Somalia ka siiyaan dhinacyadda Samafalka Aadminimo, Gargaarka iyo Horumarinta.

Kulanka labada dhinac ayaa ku soo beegmay maalmo kadib, markii ay Barlamaanka Midowga Europe soo saareen Qaraar ay ku cambaareynayaan Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga inay faragelin ku hayaan Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Tan iyo markii uu dillaacay Khilaafka Khaliija sannadkii hore, waxay Dowladaha Imaaaraadka iyo Sacuudiga hakiyeen Taageeradii Maaliyadeed iyo Farsamo ay siin jireen Hay’addaha DFS, kadib, markii ay DFS sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay Khilaafkaasi, wallow DFS loo xagliyo inay taageerto Dowladda Qatar oo qeyb ka ah Khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor