Al-Shabaab oo Sarkaal Kenyan ah ku qabtay  weerar ka dhacay duleedka Garissa

Taliyaha Boliska Garissa, David Kerina ayaa sheegay inay la’ yihiin Sarkaal la waayey, kadib, markii ay Dagaalamayaal Alshabaab habeen hore weerar ku qaadeen Bar ay Boliska Kenya ku leeyihiin Tuulladda Hamey oo ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab horey u kaxeysteen Sarkaalkaasi, kadib, markii uu dhacay weerarkaasi oo uu xusay in 4 Askari lagu dhaawacay.

Dhinaca kale. Taliyaha Boliska Garissa, David Kerina waxa uu tilmaamay inay socdaan Hawlgal lagu baadi-goobayo Sarkaalkaasi oo la rumeysan yahay inay Alshabaab kala soo gudbeen Xuduudka.

Ugu yaraan 20 dagaalamayaal Alshabaab aad u hubeysan ayaa la sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Xeradda Boliska Kenya ku leeyihiin duleedka Garissa, waxayna Alshabaab burburiyeen Taawarka Shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom oo ku taalla meel aan ka fogeyn Xeradda Boliska Kenya ku leeyihiin Xuduudka.

Alshabaab waxaa kaloo la sheegay inay gaari ay lahaayeen Boliska ku qabsadeen dagaalkaasi.

Isbuucii la soo dhaafay, weeraro iyo qaraxyo ay Alshabaab ka geysteen gudaha Kenya waxay ku dhaawaceen 9 ka tirsan Boliska dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor