Nin ku hubeysan Tooreey ayaa la sheegay inuu geystay Weerarkaasi oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Fagaaraha Russell Iskuweer ee Bartamaha London, wuxuu kaloo dhaawacay ilaa 5 qof oo kale.
Haweeneyda la dooxay oo da’da 60-aadka ku jirta ayaa u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray tooreyda lagu dhuftay.
Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay inay suurtogal tahay inuu falkaasi xiriir la leeyahay Argagixisadda.
Boliska waxay sheegeen inay qabteen Ninkii geystay falkaasi oo 19 jir ah, isla markaana la bilaabay wejiga koowaad ee baaritaanka shilkaasi.
Wararka qaarkooda ayaa sheegayo in ninka weerarkaasi geystay uu yahay qof dhibaato maskaxeed qabay.
©Radio Dalsan