Dareewalada wada Gaadiidka Duugga ee Xamuulka ka qaada Dekedda Weyn ee magaalladda Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey Gaadiidka Tareellaha, oo ay sheeegeen inay ku ciriiriyaan  Kaalintooda ee ay Shixnadaha kaga so oqaadaan Dekedda.
Dareewallada Gaadiidka Duugga (Khataarka) ayaa maanta dhigayo Dibadbax ay kaga cabanayaan arrintaasi, iyagoo ku eedeeyey Maamulka Dekedda inay doonayaan inay shaqada ka joojiyaan Gaadiidka Duugga ah.
Tallaabadda Gaadiidka noocaasi looga mamnuuci rabo Dekedda ayaa timid, kadib, markii ay Dekedda ka shaqo bilaabeen Gaadiidka cusub ee Tareelooyinka dhaadheer, kuwaasi oo ka mug weyn Gaadiidka kale, isla markaana ay yihiin kuwo cusub oo waqti kooban Badeecaddaha ku geyn kara halka ay u raran yihiin.
©Radio Dalsan